qaanso xood
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanso xood
Arc of a curve

Qaanso goobo
Arc of a circle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanso roobaad
Rainbow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaanso-roobaad
-da: (n) rainbow (reeyn-bow) ~ qaansa-roobaad, jeegaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaanso-roobaad
قَوْسُ قُرَحٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maansood
(Maansood-ka)
Maanso tirin; gabyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansood
m.f.l eeg maansoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maansood
m.f.l eeg maansoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maansood
-ay / maansootay: (v) put to poetry; write or create poem ~ maansee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansood
(fal) eeg maansee.
maansood-ka: (magac, lab, keli) maanso tirin. Maansoodku waa mawhibo la baran karo. Dh: maansayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daanshood
(Daanshood-ka)
Xarragood; mardaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanshood
m.f.l eeg daanshoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daanshood
m.l eeg daanshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daanshood
v. dress well
daanshood vl. n. dressing well, elegance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanshood
-ka: (magac, lab, keli) eeg daanshadaanshood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansoole
m.l (botani) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansoole
m.l (botani) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAANSOOLE
(Gansole) C, Og, N Rhyncosia gansole Chiov. Papilionaceae.
N, Og Rhyncosia sublobata (Schumach.) Meikle. Papilionaceae.
Og, C Indigofera ogadensis Gillett Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoole
-ha: (magac, lab, keli) qof qaanso ku dagaallama.
qaansoole -ha: (magac, lab, keli) nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanso-robaad
(Qaanso-robaad-da)
If isku duuban, oo midabyo badan, oo qaansada qaabkeeda leh; cirkay ka dhex muuqataa, kolka iyadoo roob da'a hayo, ifka qorraxda iyo dhibcaha roobku is qabtaan; jeegaan; kaynroobaad; caashacarrabdheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanso-robaad
f. n. rainbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaansaroobaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanshasocod
-ka: (magac, lab, keli) marka uu qof u socdo si ay xarrago iyo tamashlayn ku jiraan. Daanshasocodka laguma daalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabandhacood
m.f.l eeg qabandhacoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabandhacood
m.f.l eeg qabandhacoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabandhacood
-ka: (magac, lab, keli) qabandhaco dareemid: jidhiidhico samayn. Wejiga dadaka ayaa qabandhacoodka laga gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamandhacood
m.f.l eeg qamandhacoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamandhacood
m.f.l eeg qamandhacoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamandhacood
-ka: (magac, lab, keli) qamandhaco dareemid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raasi xoodan
Cuspate fore land
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yalanyalxood
m.f.l eeg yalanyalxoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalanyalxood
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan yar oo gabaw dareemid. Dh: dhamxood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansa-roobaad
-ka: (n) rainbow (reeyn-bow) ~ qaansa-roobaad, jeegaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanso dhadeed
Fog bow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daanshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyood
v. hug, embrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyood
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn iyo soo dhoweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyood
a: haanyow
de: hug, embrace
lx: haanyood
pd: (haanyooday)
ps: v1=
key: haanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashood
m.f.l eeg maashoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maashood
m.f.l eeg maashoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanso_1
a: qaansarroobaad (da)
de: rainbow
hm: 1
lx: qaanso
pd: (/da)
ps: n2a-f
key: qaanso_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanso_2
de: bow (for shooting arrow); arch; bracket, parenthesis {punctuation}
hm: 2
lx: qaanso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qaanso_2
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaarkood
(pronoun) some of them.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandhood
(Qandhood-ka)
Qandho qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandhood
m.l eeg qandhoo. la-mid: qandhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandhood
v. have a fever, be feverish; feel ill, be indisposed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandhood
-ka: (magac, lab, keli) qandho qabid. Dh: xummadood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandhood
bw: qandhow
de: have a fever, be feverish; feel ill, be indisposed
lx: qandhood
nt: qandhood (ka) [vn-m]
pd: (qandhooday)
ps: v3a=
key: qandhood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saanyood
(Saanyood-ka)
Xoolo saami ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyood
m.l la-mid: saanyasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyood
vl. n. act of sharing livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, saami ku qaybsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanyood
de: act of sharing livestock
initial: s
lx: saanyood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saanyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraxood
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo geedgaabka ka mid ah oo aan qodax lahayn, inta badanna cagaaran. Dh: baarcadde.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fast food
/faast-fuudh/ (n) cuntada degdegga lugu-diyaariyo, loona cuno, sida haambeegarka, digaagga shiilan iwm. e.g. Fast food is usually bad for your health.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansabood
-ka: (magac, lab, keli) badhaadhe iyo barwaaqo. Hantidii la ragaayiyo, hansaboodkii ma waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaanso-da
arc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansoley
m.dh.u la-mid: qaansaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalalyood
m.f.l eeg qaalalyoo. la-mid: qaalalyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyood
-ka: (magac, lab, keli) cunta badan darteed calool'afuufmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabsin'ood
(Qabsin'ood-ka)
1. (Oogada) cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka (xiidanka weyn) madaxiisa ka laallaada; kolon.
2. Xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa; (ama qabsin'oodane).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsin'ood
-ka: (magac, lab, keli) cad dhuuban oo yar oo dhinac af ku leh dhinacna ka oodan oo ka laallaada madaxa qabsinka. Qabsin'ookii ayaa go'ay Dh: kolon.
qabsin'ood -ka: (magac, lab, keli) xanuunka qabsin'oodka qabta laftiisa. Qabsinoodbaa haya oo wuu qaylyayaa. Dh: qabsin'oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabsin-ood
m.l 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. la-mid: qabsin-oodane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabsin-ood
m. n. appendix; appendicitis, pain in the colon
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qoqob xood
Segment of a curve
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sawir xood
Plotting a curve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoqowle
-ha: (magac, lab, keli) niman aan reero lahayn; doobab ardaa ku wada nool. Aqalkan rag qaansoqawle ah baa gala.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qaansoruube
Qaansada ruubuhu afka uga xirmo oo ruubaha xurbin wax kula duleelisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
gacan ku bood
handspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhig midabyo kala duwan ah oo ka samaysan isku dhaca fallaadhaha cadceedda iyo tiiftiifka ama xafiifka ka farcama dhibcaha roobka. Qaanso roobaad ayaa dhankii roobka isku gudubtay: Dh: jeegaan, deegaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabansabdhood
(fal) si ay cadho ku jirto u soco.
sabansabdhood-ka: (magac, lab, keli) sabansabdho.